Raysalwasaare Xamse oo Muqdisho ku casumey Madaxweynaha SSC-Khaatumo

Published: October 2, 2023
Shares4
Cabdulqaadir axmed hoggaamiyaha SSC-Khaatumo

Raysalwasaaraha xukuumadda federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa cusmaad ugu yeeray hoggaamiyaha guddiga fulinta ee maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-cali.

Casumaada ayaa imaanaysa kadib markii raysalwasaaruhu dib ugu soo laabtey Muqdisho isaga oo safar shaqo ku tegay dalalka Maraykanka iyo Turkiga.

Sida xogto sheegeyso Hggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah Salaasada uu ka degayo Muqdisho, waana safarkiisi u horeeyey ee uu ku tago meel ka baxsan deeganada uu maamulo tan iyo marii ay soo afjareen dagaaladii dheeraa ee lala galay maamulka Somaliland oo sheegta in ay yihiin dal ka madaxbanaan Soomaaliya.

Casumaada ayaa imaanaysa iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka maqan yahay Muqdisho muddo laba bilood ah, waxaana uu xarun kumeel-gaar ah ka dhigtey Dhuusamareeb oo uu ka hoggaaminaayo dagaalka dalka looga sifeynaayomalayshiyaadka al-Shabaab.

Mamaulka SSC-Khaatmo ayaa dhawaan la dhamaystirey, waxaana lagu wadaa in ay bilaabaan qaadida cashuuraha si wax looga qabto adeega bulshada.

Horseed Media