Reer Galbeedka oo Israel uga digay inay dagaal la gasho Iran

Published: April 15, 2024

Xulafada Israel ee dalalka reer Galbeedka ayaa ugu baaqay xukuumada xagjirka ah ee Benjamin Netanyahu inaysan ka jawaabin duqeyntii Iran oo iyaduna ahayd jawaabtii duqeyntii Israel ee 1dii Abriil la beegsadatay Qunsuliyadda Iran ee Dimishiq.

Dalalka Mareykanka, UK iyo xulafadooda Carabta ayaa ka qeyb qaatay soo ridida inta badan gantaaladii Iran habeen hore ku riday Israel, ayaa hada u muuqda inaysan diyaar u ahayn dagaal toos ah oo ay la galaan Iran oo burbur xoogan ku keeni doonta xasiloonida gobalka iyo Caalamka.

Inkastoo ay dalalka reer Galbeedka ee Israel taageerada militari siiya ay cambaareeyeen weerarkii Iran, waxayse ugu baaqeen Israel inaysan qaadin tilaabo kale oo xaalada sii xumeyn karta.

Iran ayaa sheegtay in duqeyntoodii ugu horeysay ay ku koobeen oo kaliya xarumaha militariga Israel ee loo adeegsaday weerarkii lagu duqeeyey Qunsuliyadooda ku taal dalka Suuriya, balse hadii Israel fal kale u geysato dadkooda iyo xarumadooda, ay bixin doonto jawaab ka culus duqeyntii habeen hore.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo khadka telefonka kula hadlay Benjamin Netanyahu Raysalwasaaraha Israel, ayaa ugu baaqay inuu halkaas ku joojiyo xiisada la xariirta Iran, isla markaana uu lasoo socod siiyo Washington tilaabo kasta oo uu qaadayo, sida ay warinayaan qaar kamid ah warbaahinta Mareykanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuusan ka qeyb qaadan doonin weerar lagu qaado Iran.

Sida ay sheegayaan falanqeeyayaasha, Netanyahu ayaa doonaya in caqabadaha ka heysta xasuuqii uu ka waday Gaza iyo burburinta Xamaas oo uu ku guuleysan waayey, uu hada doonayo inuu abuuro xiisadda cusub ee Iran, xili ay sidoo kale culeysyo ka heystaan gudaha Israa’iil.

Horseed Media