Rooble oo faray Guddiyada Doorashooyinka in ay deg deg ku bilaabaan dooorashada Golaha Shacabka

Published: November 9, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayna soo gebogebeeyaan ugu dambeyn dhammaadka bisha December 2021.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan habka fogaan aragga ah la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka labada heer, ayaa sheegay in Xukuumaddu diyaar u tahay fududeynta arrimaha farsamo, amni iyo dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada. Isagoo guddiyada faray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan qorshe howleedka qabashada doorashada, ayna tagaan goobaha doorashadu ay ka dhaceyso.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay Guddiga Xallinta Khilaafaadku in ay si dhow ula socdaan howsha doorashada. Isagoo la hadlayay guddiyada ayuu Ra’iisul Wasaaruhu carrabka ku adkeeyay in uusan jirin kursi cid gaar ah loo xirayo, ayna lagama maarmaan tahay in tartanku noqdo mid furan oo xalaal ah.

Waxa uu sidoo kale Rooble ku boorriyay guddiyada doorashada in la dhowro qoondada haweenka 30% ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu dhawaan booqan doono goobaha ay doorashadu ka dhaceyso, si uu ugu kuur galo habsami u socodka doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *