Rooble Oo Magacaabay Guddiga Doorashada Xildhibaanada Waqooyi Iyo Cabdi Xaashi Oo Qaadacay

Published: November 7, 2020

Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magacaabay guddiga maamulaya doorashada xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi/Somaliland.

Guddigan oo ka kooban 11 xubnood oo ka soo jeeda gobolada Waqooyi, ayaa waxaa qaadacay guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay xubnaha lasoo xulay in ay dhex-dhexaad ahayn laguna kalsoonaan karin, lana garaneyn meelaha laga keenay, inta la gartayna ay ka tirsan yihiin Madaxtooyada, Xafiiska raysal wasaaraha iyo NISA.

Hoos ka akhriso guddiga raysalwasaaruhu magacaabay:

Warqada Guddoomiye Cabdi Xaashi:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *