Rooble ” Waxaan ku baaqayaa shir deg deg ah oo looga arinsanayo qalalaasihii ka dhacay Muqdisho ”

Published: April 26, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay in la isugu yimaado shir deg deg oo looga arinsanayo xaaladda kasoo cusboonaatay magaalada Muqdisho.

Rooble oo hadal ka jeedinayay kulan uu la yeeshay xubno ka socday ururada Bulshada rayidka ayaa dhinaca kalena ku baaqay in la joojiyo colaadda taagan isagoona sheegay in uu ka xun yahay dagaalkii shalay iyo xalay ka dhacay Muqdisho.

Hadalka Ra’iisu wasaare Rooble ayaa u muuqda quus ah oo xukuumadda uu hogaamiyo ee mudada kororsatay ay kaga walaacsan tahay culeysada dhanka ciidan ee kaga yimid amaanka Muqdisho xili muddo badan laga dhowrayay wadahadal iyo tanaasul ay ku xaliso khilaafka arimaha doorashooyinka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *