Ruushka, Iran iyo Shiinaha oo dhoolatus ku sameenaya Badda Cumaan

Published: March 12, 2024
Shares4

Ruushka ayaa sheegay in koox ka mid ah maraakiibtooda dagaalka ay gaareen dalka Iran si ay uga qeyb qaataan dhoolatusyada Iran iyo Shiinaha ee gacanka Cumaan iyo badda Carabta.

Wakaalada wararka ee Iran IRNA ayaa sheegtay in dhoolatusku uu bilaaban doono maanta oo talaada ah.

Dhoolatusyada wadajirka ah, oo loogu magac daray “Difaaca Amniga Badda – 2024,” ayey ka qeyb qaadan doonaan maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka, sida lagu sheegay war Isniintii shalay kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Wasaarada Difaaca Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay in wakiilo ka socda ciidamada badda ee dalalka Pakistan, Kazakhstan, Azerbaijan, Cumaan, India iyo Koonfur Afrika ay dhoolatuskan ka noqon doonaan kormeerayaal.

Dhoolatuskan ka dhacaya Bada Cumaan ayaa lagu soo beegay xili Mareykanka iyo xulafadiisa UK ay duqeynmo dhanka cirka ah ka wadaan dalka jaarka la ah ee Yemen.

Horseed Media