Ruushka & Kuuriyada-Waqooyi oo lagu wado inay sameystaan Iskaashi militari oo cusub

Published: September 5, 2023
Shares26

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa la filayaa in uu kulan la qaato madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad.

Isniintii, afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Adrienne Watson, ayaa tilmaantay in kulanka uu qeyb ka noqon doono wada xaajoodyada ku saabsan kala iibsiga hubka culus.

Toddobaadkii hore, Aqalka Cad ayaa sheegay in Ruushku uu horeyba si qarsoodi ah, wadahadalo xasaasi ah ula yeeshay Kuuriyada Waqooyi si ay u helaan noocyo kala duwan oo hubka iyo sahayda dagaalka Ruushka kula jiro Ukraine.

Wasiirka Difaaca Ruushka Sergei Shoigu ayaa sidoo kale bishii Luulyo u safray Kuuriyada Waqooyi, si uu u helo saanad dheeri ah. Waa markii ugu horeysay oo Wasiirka Difaaca Ruushka uu booqasho ku tago dalkaasi tan iyo burburkii Midowga Soofiyeeti sanadkii 1991-kii.

Ku beddelashada hubkan dheeraadka ah, Kuuriyada Waqooyi ayaa la filayaa in ay Ruushka ka hesho tignoolajiyad ay sare ugu qaadayaan awooda gantaaladda ridada-dheer iyo maraakiibteeda quwadda Nukliyeerka ah.

Horseed Media