Ruushka oo amar hor leh siiyay ciidamadiisa ku sugan jiidda hore ee dagaalka Ukriane

Published: July 16, 2022
Wasiirka gaashaandhigga Ruushka , Sergei Shoigu

Wasiirka gaashaandhigga Ruushka , Sergei Shoigu, ayaa ku amray militeriga inay xoojiyaan dagaalka ay ka wadaan dalka Ukriane.

Bayaan kasoo baxay ayaa lagu sheegay in wasiirka uu amarkan siiyay ciidamada Ruushka xilli uu booqasho ku tagey saldhig militeri lama ogo halka uu si rasmi ah uga jeediyay halkan.

Wuxuu sheegay in arrintani looga golleeyahay in looga hortaggo duqeymaha ciidamada Ukraine ee bariga dalkaas iyo deegaanada ee qabsaday Ruushka.Tan iyo Jimcihii , gantaallada Ruushka ayaa ku hoobanayay magaalooyinka Ukraine.

Bartamaha magaalada Dnipro, waxaa gantaallo lagu garaacay goob lagu sameeyo dayax-gacmeedyada, waxaana burbur uu soo gaaray dhismayaal la deggan yahay oo ku dhowaa. Saddex qof ayaa ku dhintay weerarkaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *