Ruushka oo cambaareeyey Saraakiil reer Ukraine ah oo ay Turkida siidaayeen

Published: July 9, 2023
Shares4

Saraakiishan ayaa kamid ahaa ciidamada Ukraine kuwooda loo yaqaan Azovstal kuwaasi oo ay Ruushka ku qabteen dagaalkii ka dhacay magaalada Mariupol bartamihii sanadkii 2022.

Kooxdan oo gaareysay 2,000 ayaa si adag u difaacay magaalada Mariupol, waxaana ugu danbeyntii lagu qabtay warshada birta ee magaaladaas badhtamihii May 2022. Shanta hogaamiye oo qaarkood ay ka tirsanaayeen ciidamada ilaalada qaranka ee Azov oo Ruushku ku tilmaamay cunsuriyiinta Neo-Nazi ayaa la sii daayey bishii Sebtembar, heshiiskii maxaabiista la isku dhaafsaday waxaana loo qaaday dalka Turkiga.

Ruushka ayaa saraakiishan siidaayey kadib heshiis maxaabiista la isku dhaafsaday, waxaana heshiiskan kamid ahaa in saraakiishan ay joogaan ama loo tarxiilo dalka Turkiga inta dagaalka ka dhamaanayo.

Madaxweynaha Ukraine oo sabtidii shalay booqasho ku tagay dalka Turkiga ayaa lagu wareejiyey shantaasi hogaamiye ee ku sugnaa Turkiga, waxaana la shaaciyey sawirada hogaamiyayaashan oo la taagan Madaxweynaha Ukraine diyaaradiisa kahor intii aysan ka duulin madaarka Ankara.

Ruushka ayaa sheegay in Ukraine iyo Turkiga labaduba ay jabiyeen heshiiskii hore ee maxaabiista, afhayeenka madaxtooyada Moscow Dmitry Peskov ayaa sheegay in Turkiga falkan sameeyeen kadib cadaadis uga yimid NATO, kahor shirweynaha dalalka NATO oo dhacaya 11 iyo 12ka bishan Luulyo.

Horseed Media