Ruushka oo diidey in ay cusbooneysiiyaan heshiiska qamadiga

Published: July 17, 2023
Shares12

Ruushka ayaa si rasmiya u sheegay in aysan dib u cusbooneysiineyn heshiiskii dhoofinta qamadiga ee Turkigu horey uga soo shaqeeyey.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Maria Zakharova ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee dawladda Ruushka ee RIA in dalkeeda uu si rasmi ah ugu wargaliyay Turkiga, Ukraine iyo Qaramada Midoobay in dalkeeda (Ruushanka) aanu kordhin doonin heshiiska dhoofinta Qamadiga.

Afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov ayaa yiri “Heshiiska Dhoofinta Qamadiga waa uu joogsadey, laakiin isla marka shuruudaha la buuxiyo waa dhici kartaa in Ruushku dib ugu laabto heshiiska, Ruushku ma doonaayo in saaxiibadiisa Afrika ay dhibaato u keento arintan, laakiin waxay doonayaan in ay shuruudo cusub ku xiraan Ukriane.

Qamadiga iyo Galayda laga keeno dalka dagaalada ka socdaan ee Ukraine ayaa waxaa si weyn ugu tiirsan dalalka soo koraya gaar ahaan wadamada qaarada Afrika..

Horseed Media