Ruushka oo duqeeyey kaydka Qamadiga Ukraine una digay Maraakiibta mareysa Badda Madow

Published: July 20, 2023

Ruushku waxa uu bilaabay weerarro xooggan oo loo adeegsaday diyaaradaha Drone-ka iyo gantaallo habeennimadii Arbacada, kuwaasi oo waxyeello u geystay kaabayaasha muhiimka ah ee dekedda koonfurta Ukraine, oo ay ku yaalaan xarumaha Kaydka Qamadiga iyo saliidda, sida ay saraakiisha Ukraine ay sheegeen.

Duqayntu waxay khasaaro u geysatay xarunta kaydka dekadda Odesa iyo Chornomorsk waxayna burburisay 60,000 tan oo hadhuudh ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Beeraha ee Ukraine.

Dhinaca kale, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa Arbacadii sheegtay in dhammaan maraakiibta xamuulka ee Ukraine u arki doonaan bartilmaameedyo militari, iyagoo ka qeyb qaadanaya dagaalka.

“Wadamada calankooda maraakiibta Ukraine ay adeegsan doonaan waxaa loo arki doonaa inay ku lug leeyihiin dagaalka lana safan yihiin dhinaca Ukraine” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Ruushka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa ku tilmaantay biyaha caalamiga ah ee waqooyi-galbeed iyo koonfurta bari ee badda madow “goob halis ah” oo ay maraakiibta ka fogaadaan.

Warka kasoo baxay Ruushka ayaa imaanaya iyadoo Ukraine ay daaha ka qaaday qorshaheeda inay furto marin ku meel gaar ah oo loogu talagalay dhoofinta cuntada kadib markii Ruushka uu ka baxay heshiiskii Qamadiga.

Horseed Media