Ruushka oo duqeyn culus oo dhanka cirka ah ku qaaday Ukraine

Published: July 18, 2023

Ruushka ayaa weerar cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla koonfurta iyo bariga Ukraine iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo waliba gantaallada ballistic-ga, sida ay sheegeen ciidammada cirka ee Ukraine.

Dekadda koonfureed ee Odesa iyo magaalooyinka Mykolaiv, Donetsk, Kherson, Zaporizhia iyo Dnipropetrovsk ayaa kamid ahaa yoolka Ruushka weerarkooda saaka oo Talaada ah.

Dab ayaa ka kacay dekedda Mykolaiv galinkii dambe ee Isniintii shalay, sida uu sheegay duqa magaalada. Magaalada dekedda leh ayaa wadankaasi Ukraine ku xirta ganacsigooda Badda Madow.

Weerarka lagu qaaday gobolka Odesa ee koonfurta Ukraine oo ay ku yaalaan marinada badda ayaa imaanaya saacado kadib markii Ruushka uu diiday inuu kordhiyo heshiiska Qamadiga laga dhoofiyo Ukraine.

Horseed Media