Ruushka oo duulankii 6aad ee dhanka cirka ah ku qaaday caasimada Ukraine

Published: July 25, 2023

Ruushka ayaa weerarkii 6aad bishan oo cirka ah ku qaaday caasimadda Ukraine, weeraradan oo loo adegsanayo diyaaradaha drone-ka, waxaana lagu soo beegay saacado kadib markii Ukraine drone ku werartay Moscow.

Ruushku waxa uu Kyiv ku weeraray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed ee ay Iran samaysay, sida uu bartiisa Telegram ku shaaciyey madaxa militariga Kyiv, Serhiy Popko.

Ciidamada cirka ayaa sidoo kale soo saaray digniin ku aadan duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ay ka geystaan koonfurta Odesa iyo Mykolaiv oo saaran xeebta Badda Madow ee Ukraine.

Horseed Media