Ruushka oo Macalimiin iyo Qalab Militari u diray dalka Niger

Published: April 12, 2024
Shares6

Macalimiinta Militariga Ruushka ayaa gaaray dalka Niger, kuwaasi oo la socday diyaarad ay ku raran yihiin qalab militari, taasi oo qeyb ka ah xiriirka dhanka ammaanka ee dalkaasi Galbeedka Afrika uu la leeyahay Moscow.

Dowladda militariga Niger ayaa bishii Janaayo ogolaatay inay xoojiso iskaashiga militari ee ay la leedahay Ruushka, ka dib markii ay eriday ciidamada Faransiiska ee gacan ka siinaayay dagaalka ka dhanka ah fallaagada Xagjirka ah ee gobolka Saaxil.

Muuqaal uu sii daayay TV-ga RTN ee Niger ayaa lagu arkayey diyaarad xamuul ah ee militariga Ruushka oo timid garoonka diyaaradaha ee Niamey.

Ruushku waxa uu gacan ka geysan doonaa “ku rakibidda nidaamka difaaca hawada… si loo xaqiijiyo in si buuxda loo maamulo hawadeena,” ayaa lagu yiri warbixinta RTN.

Horseed Media