Ruushka oo markale tuubbooyinka gaaska ka xirtay waddamada Yurub

Published: September 1, 2022
Shares144

Ruushka ayaa gabi ahaanba joojiyay gaaskii uu ka siin jiray waddamada Yurub isagoo sheegay in loo baahan yahay in dayactir lagu sameeyo dhuumaha shidaalka.

Shirkadda tamarta ee dawladda Ruushka, ee Gazprom, ayaa sheegtay in hakinta dhuumaha Nord Stream 1 ay socon doonto saddexda maalmood ee soo socda.

Ruushka ayaa horey si weyn hoos ugu dhigay dhoofinta gaaska ee dhuumaha.

Moscow ayaa beenisay eedeymaha inay tamarta ay u adeegsatay sida hubka dagaalka kaas oo ay uga go’leedahay inay ku caburiso wadamada reer galbeedka.

Dhuumaha Nord Stream 1 waxa uu dheererkoodu gaaraya 1,200 kilomitir oo ka soo bilaaneyso xeebta Ruushka ee u dhow St Petersburg ilaa waqooyi bari ee Jarmalka.

Waxa la furay sannadkii 2011-kii, waxaana maalin walba mara gaas cadadiisu gaareyso ilaa  170 milyan oo mitir kuyuubik.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *