Ruushka oo qorsheenaya inuu Saldhig ka dhisto Liibiya

Published: November 6, 2023
Shares60

Vladimir Putin ayaa wada qorshe saldhig ciidamada badda Ruushka ay ka sameysanayaan xeebaha dalka Liibiya.

Xogtan ayaa laga helay xubnaha ku dhaw dhaw Jeneraal Haftar oo ah hogaamiyaha gacanta ku haya maamulka gobalada Barigga Liibiya.

Haftar ayaa bishii September booqasho uu ku tagay Moscow.

Kulankii uu la yeeshay Putin arrinta ugu weyn oo ay ka wadahadleen ayaa ahayd dhismaha Saldhigan.

Ruushka ayaa qorsheenaya saldhigan oo awood uu siinaya goob istaraatiiji ah oo ku beegan koonfurta dalalka Yurub.

Horey ayey dalka Liibiya u joogeen kooxda Ruushka ee Wagner oo gacan kasiin jiray Haftar dhanka tababarada ciidamada.

Hase-yeeshee Ruushka ayaa hada qorsheenaya inuu balaariyo joogitaankiisa Liibiya oo khatar ku noqon doonta danaha Mareykanka iyo xulafadiisa NATO.

Horseed Media