Ruushka oo sare u qaaday duqeynta Ukraine, xili gantaalo lugu dhuftay buundada jasiirada Crimea

Published: August 7, 2023
Shares40

Ruushka ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo ku sii jeeday magaalada Moscow markii saddexaad oo weerar noocan oo kale ah lagu qaado toddobaad gudihiis, halka saraakiil ka kala tirsan labada dal ee Ruushka iyo Ukraine ay xaqiijiyeen in Ukraine ay bartilmaameedsatay laba buundooyin oo isku xira Crimea iyo dhul weynaha Ruushka.

Labada dal ayaa midba midka kale kor u qaaday duqeymaha uu ku hayo ciidamada, kaydka hubka iyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyadoo Ukraine ay doonayso inay ka saarto ciidamada Ruushka ee dhufeyska uga jira koonfurta iyo bariga Ukraine tan iyo markii ay dalkaasi galeen sannadkii hore.

Maamulka Crimea ee Ruushka ayaa sheegay in buundada Chonhar ee jasiiradda, ay waxyeello kasoo gaartay weerar gantaal.

Sidoo kale mid kamid ah saddexda waddo ee isku xidha Crimea iyo deegaanada Ruushka heysto ee koonfurta Ukraine, una dhow magaalada Henichesk, ayaa la duqeeyay.

Horseed Media