Ruushka oo soo riday 20 Drone oo ay soo dirtay Ukraine

Published: August 12, 2023

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay burburiyeen mowjado 20 diyaaradood ah oo Yukreeniyaan ah oo dul heehaabayay gacanka Crimea ee uu Ruushku la wareegay.

Ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka isku dayga ah ee subaxnimadii Sabtida, wasaaradda gaashaandhigga ayaa ku sheegtay app-ka fariimaha ee Telegram-ka.

14 ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa lagu burburiyay nidaamka difaaca hawada lixna waxaa lagu xakameeyay dagaal elektaroonik ah, ayay wasaaraddu sheegtay.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa uu ahaa bartilmaameedka weerarada la sheegay in lagu qaaday Jasiiradaasi.

Weerarka la sheegay in lagu qaaday Crimea ayaa ah kii ugu dambeeyay ee Ukraine ay u adeegsato diyaaradaha hubaysan ee aan duuliyaha lahayn ee lagu bartilmaameedsado gudaha Ruushka iyo dhulka uu Ruushku heysto.

Horseed Media