Ruushka oo soo riday diyaarado Drone oo lagu weeraray Moscow

Published: August 23, 2023

Difaaca hawada Ruushka ayaa saaka oo Arbaca ah soo riday saddex diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn oo laga leeyahay dalka Ukraine, gudaha magaalada Moscow iyo nawaaxigeeda, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Waa markii lixaad oo isku xigta oo weerar noocaan ah lala beegsado caasimadda Ruushka iyo nawaaxigeeda.

Labo Drone oo kale ayaa lagu soo riday Mojaysky, oo 12 km u jirta bartamaha Moscow, iyo sidoo kale meel u dhow Khimki, oo 20 km u jirta caasimada, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga.

Dhinaca kale, Ruushka ayaa isaguna maanta duqeyn la beegsaday gobolka Odesa ee koonfurta Ukraine, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka, duqayntan oo ah tii ugu dambaysay ee lagu qaado xarumaha loo isticmaalo dhoofinta qamadiga Ukraine.

Horseed Media