Ruushka oo duqeyn culus la beegsaday Galbeedka Ukraine

Published: August 15, 2023

Ruushka ayaa weerar cirka ah oo ballaaran ku qaaday gobolka galbeedka Ukraine ee Lviv iyo gobolka Volyn ee waqooyi-galbeed, isagoo duqeeyey xarumo kala duwan.

Afar qof ayaa u baahday gargaar caafimaad iyo in ka badan 100 guri ayaa ku waxyeeloobay weerarka.

Barasaabka gobolka Lviv, Maxim Kozitsky, ayaa sheegay in “gantaallo badan ee Ruushka” ay kusoo wajahan yihiin gobolka.

Ugu yaraan laba qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerar cirka ah oo Ruushku ku qaaday magaalada Lutsk, ee gobolka Volyn ee Ukraine, sida ay maamulka deegaankaasi ku sheegeen Telegram. Gobolka Volyn, waqooyiga Lviv, wuxuu kaloo xuduud la leeyahay dalka Poland.

Ugu yaraan hal qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerar uu Ruushku ku qaaday gobolka koonfur-galbeed ee Ukraine ee Dnipropetrovsk.

Horseed Media