RW Rooble iyo Madaxweyne Guudlaawe Oo Gaaray Degmada Balcad

Published: November 11, 2021

Raysal Wasaaraha Xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa safar dhulka ah ku tagey degmada Balcad.

Raysal Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa safarka ay ku tageen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku wehliyey Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Masuuliyiintan ayaa waxaa gudaha degmada Balcad kusoo dhaweeyay Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana Rooble iyo Guudlaawe ay kulan la qaadan doonteen Mas’uuliyiinta iyo shacabka degmadaas.

Sidoo kale Rooble iyo Guudlaawe ayaa booqday Isbitaalka guud ee Balcad iyo qeybo ka mid ah magaalada oo ay ka mid yihiin buundada Iyo suuqa degmada.

Ammaanka guud ee degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa si weyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa amniga Magaalada sugaya Ciidanka Ilaalada Ra’iisul Wasaaraha iyo kuwa dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *