RW Xamse oo daah-furay Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee hoos u dhiga Saboolnimada

Published: November 12, 2023

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa daah furay Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee lagu yareynayo Saboolnimada.

Diiwaankan Bulsho ee Midaysan ayaa lagu yaraynayo saboolnimada iyo sugnaan la’aanta cuntada.

Waxayna qeyb ka tahay qorshaha loogu diyaarinayo bulshada adkaysiga aafooyinka ay kamid yihiin abaaraha, fatahaadaha iyo Ayaxa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay mudnaanta uu xilligan u leeyahay dalka nidaamkani.

Wuxuuna sheegay inay tani ay xuddun u tahay siyaasadda Xukuumadda ee ah in la helo horumar ay bulshadu qayb ka yihiin, una siman yihiin si loo xoojiyo ammaanka, koboca dhaqaalaha iyo wada-socodka bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa faray dhammaan Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Waddaniga ah inay isticmaalaan Diiwaanka USR ee Dawladda.

Nidaamkaasi oo fududeenaya in laga fogaado, iska warqab la’aan iyo xaqiijinta in bulshada si hufan loogu adeego, taasi oo keenaysaa in lagu kalsoonado dawladda, waxayna caawinaysaa dhisidda dawlad-wanaagga.

Horseed Media