Wasiir ku xigeenkii waxbarashada iyo tacliinta sare Xil. Axmed Cisman Ibrahim ayaa ku dhawaaqey in uu…
Wasiir ku xigeenkii waxbarashada iyo tacliinta sare Xil. Axmed Cisman Ibrahim ayaa ku dhawaaqey in uu iska casiley xukuumadda raysalwasaare Xamse, kadib markii uu ku eedeeyey in ay ka shaqeyneyso dhibaateynta dadka uu ku metalaayey dowladda ee ku kala nool SSC, Puntland Iyo Jubaland.
Waa wasiirkii labaad ee maanta is casiley kaas oo ay hayb wadaagaan raysalwasaare Xamse Cabdi Barre, arrimaha caynkan oo kale ah ayaan siyaasadda Soomaalida looga baran in raysalwasaare ay ku mudaaharaadaan wasiirada ku beesha ah.
Wasiir Daqare ayaa sheegay in xukuumadiisu ka leexatey wadadii axda ahayd:
“…Anigoo Xeerinaayo Waajibka iga saran Dalka, iyo Dadka aan matalo, waxaan ku qancay in Xukuumada aan xubinta ka ahay haynin wadadii saxda ahayd ee loo igmaday, ayna baalmartay Dastuurkii lagu soo doortay, iyo Barnaamijkii lagu ansaxiyay….”
Wasiirka ayaa ku eedeeyey Dowladda federaalka in ay dhibaateyneyso dhulka ay degaan beelaaha Daarood.
“…Waxaaan aad oga xumahay in Bulshadii aan matalayay laga dhigay mid laga saaray Soomaalinimada sida SSC, mid laga shaqeeyay burburkeeda, markii lagu fashilmayna la cuno qabataceyay sida Puntlada, iyo mid hadda loo masaaro tumanayo burubriinteeda sida Jubbaland oo si aan ganbad lahayn looga shaqeynayo in la galiyo jahawareer siyaasadeed iyo afgambi….”
Xildhibaan Daqare ayaa laga soo doortaa Jubaland gaar ahaan gobolka Gedo waxaana uu ka mid ahaa 16 Xildhibaan oo lagu doortey Ceelwaaq.
Wasiiru dowlihii qorsheynta iyo maalgashiga Cabdirashiid Jire Qalinle yaa isla manta sidaan oo kale ku dhawaaqey in uu xilka isaga tegey, arrimahan ayaa salka ku haya muranka u dhexeeya Dowaldda federaalka ah Jubaland.
HORSEED MEDIA