Rwanda iyo Ugandha oo beeniyey inay heshiis qaxooti la galeen Israel

Published: January 7, 2018

Dowladaha Rwanda iyo Ugandha ayaa beeniyey inay qaabili doonaan Qaxootiga ay dooneyso Israel inay tarxiisho.

Xukuumada Israel ayaa Arbacadii lasoo dhaafay ansixisay sharci cusub oo qaxootiga dalkaasi ku sugan oo gaaraya 40.000 ku khasbaya in dal kale oo Afrikaan ah loo tarxiilo ama ay galaan xabsiga Israel.

Sharcigan ayey Israel ku sheegtay mid ay amnigeeda ku adkeenayso iyadoo ku tilmaamtay qaxootiga dhulka ay ka taliso yimid kuwo khatar ku ah amniga Yuhuuda maadaama dadkaasi doonayaan inay ku dhexmilmaan dhulkooda.

Israel ayaa diiday inay qaxootiga oo intooda badan ka yimid Sudan iyo Eriterea u aqoonsato qaxooti.

“…Dadkan waxaanu siiney inay kala doortaan in la tarxiilo ama inaan la tiigsano sharciga….” ayuu yiri Raysalwasaaraha xagjirka ah ee Benjamin Netanyahu oo ku tilmaamay tilaabadan mid amniga wadankooda lagu xoojinayo.

Go`aankan ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey hay`adaha u dooda Xaquuqul Insaanka iyo hay`ada Qaxootiga ee UNHCR.

Israel ayaa sheegtay inay siin doonto lacag gaareysa $3,500 qofkii doonaya in loo tarxiilo dal kale oo Afrikaan ah walow aysan Israel sheegin dalkaasi Afrikaanka ah oo ay dadka u tarxiileyso.

Waxaana maalimihii lasoo dhaafay warbaahinta Israel hadal heysay dalalka loo tarxiilayo dadkaasi qaxootiga ay yihiin Rwanda iyo Ugandha oo sanadihii lasoo dhaafay horey u qaabilay dad ay Israel tarxiishay.

Balse Rwanda iyo Ugandha ayaa labaduba beeniyey inay jirto wax heshiis ah oo ay Israel kula galeen inay qaabilaan dadkaasi la doonayo in la tarxiilo.

Wasiirka Arrimaha Dibada Ugandha Okello Oryem ku tilmaamay “Quraafaad” wararka sheegaya in Ugandha ay qaabili doonto dadka ay Israel soo tarxiisho, mana jirto buu yiri wax heshiis ah oo na dhexmaray anaga iyo Israel.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada ee Rwanda Olivier Nduhungirehe ayaa beeniyey war uu Twitterka ku qoray Madaxa Hay`ada Human Rights Watch Kenneth Roth, Wasiirka oo u jawaabayey Mas`uulka Human Rights Watch ayaa ku tilmaamay wararkan “..Fake News…” isagoo bartiisa Twitter ku qoray inaysan jirin wax heshiis ah oo ay la galeen Israel.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *