Saalax Jaamac Oo Daahfuray Shir Ku Saabsan Kabashada Deegaannadii Laga Xoreeyey kooxaha Argagixisada

Published: June 22, 2023

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta furay kulan heerkiisu sarreeyo oo looga hadlayo Xasilinta iyo soo kabashada deegaannadii laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah.

Shirkan ayaa inta uu socdo lagu lafa-gurayaa dardar-gelinta dadaallada ku saabsan xasillinta iyo dib-u-xoreynta goobaha ay wali ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu iyo sidii loo midayn lahaa taageerada kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ay gaarsiinayaan deegaannadii la xoreeyey.

R/wasaare kuxigeenka dalka oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda uu Barnaamijkani u leeyahay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan soo kabashada goobahii laga saaray kooxaha Khawaarijta ee u baahan in la gaarsiiyo adeegyadii guud ee dowliga ahaa.

Saalax Jaamac ayaa xusay in xoreynta iyo Xasillinta dalku ay yihiin arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, isagoo la wadaagay saaxiibbada Caalamiga ah aragtida dowladda ee lagu gaari karo hiigsigaasi.

Horseed Media