Saameynta ka dhalatay daadad markii saddexaad kusoo rogmaday magaalada Qardho

Published: May 2, 2023
Shares2

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxaa xaley ku soo rogmadey daadad saameeyn ku yeeshay dadka degan xaafadaha magaaladas.

Biyaha daadka ayaa galay xaafadaha iyo goobihii ganacasiga, waxaana xiran wadadii halbowlaha u ah magaalada Qardho.

Daadadkan kusoo rogmatey magaalada ayaa ah tii saddexaad, mana jiro wax talaabo ah oo lagu maareeyey inaysan mar dambe dhibaato kale geysan.

Roob xoog leh ayaa ka da’aya deegaanada Puntland, kaas oo laga cabsi qabaa in uu sababo in magaalada ay biyo badan kusoo rogmadaan sidii horay u dhacday dhawr jeer.

Horseed Media