Sacuudiga oo diyaaradaha Israel u ogolaaday isticmaalka hawadooda

Published: December 1, 2020

Boqortooyada Sacuudiga ayaa u ogolaatay shirkadaha ganacsiga ee Israel inay adeegsan karaan hawadooda, go’aankan oo kasoo baxay kulan dhexmaray Madaxda Sacuudiga iyo wafdi ka yimid Maraykanka oo uu hogaaminayo Lataliyaha Trump wiilka uu sodoga u yahay Jared Kushner.

Kulanka dhexmaray Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman iyo Jared Kushner ayaa qeyb ka ah wadahadalo cusub oo ay xukuumada wakhtigeeda dhamaaday ee Trump dooneyso inay ku dhex dhexaadiso Sacuudiga iyo Qatar.

Shirkadaha Israel ayaa doonaya in ay maanta oo Salaasa ah bilaabaan duulimaadyada isku xiri doona Israel, Imaaraatiga iyo Baxreyn.

Xiriirka ganacsi ee sii xoogeysanaya ee ka dhaxeeya Imaaraatiga iyo Israel ayaa qeyb ka ahaa heshiiskii ay wada saxiixdeen bishii September. Heshiiskaasi ayaa sidoo kale Imaaraatiga u fududeeyey inay Maraykanka kasoo gataan diyaaradaha casriga ah ee F-35, hubkaasi oo ay Israel ka walaacsaneyd inuu u gacan galo dalalka Carabta.

Shirkada Israel laga leeyahay ee loo yaqaan Israir oo lagu raaco lacago jaban ayaa dooneysa inay maanta bilwodo duulimaadkii ugu horeeyey, ogolaanshaha Sacuudiga ayaa lama huraan u ahaa shirkadaha Israel si ay ugu fududaato inay u kala gooshaan dalalka Khaliijka.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *