Sucuudiga oo qabtey qof looga shakisan yahay in uu nin Yuhuudi ah u sahley gelitaanka Makka

Published: July 22, 2022

Qof Sacuudiyaan ah oo la tuhunsan yahay inuu qof aan Muslim aheyn ka caawiyey inuu galo magaalada Makka ayaa la xiray, sida ay maanta sheegeen booliiska boqortooyada.

Suxufi Israeli ah oo lagu magacaabo Gil Tamary, una shaqeeya taleefishinka Channel 13, ayaa Isniintii twitter-ka soo dhigay muuqaal uu iska duubay isaga oo si dhuumasho ah ku galaya magaalada barakeysan, taasi oo jebineysa amarka dadka aan Muslimiinta aheyn looga mamnuucay.

Booliska ayaa maanta dacwad oogayaasha u gudbiyey muwaadin la tuhunsan yahay inuu ku lug leeyahay “fududeynta inuu Makka soo galo suxufi aan Muslim aheyn,” sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliska oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Wakaaladda Wararka SPA ma aysan magacaabin suxufiga balse waxay sheegtay inuu yahay muwaadin Mareykan ah, kaasi oo sidoo kale kiiskiisa loo gudbiyey dacwad-oogayaasha “si ay uga qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee waafaqsan sharciga degan.”

Waxaa jira muwaadiniin badan oo Israeli ah balse haysta dhalashada dalalka kale, sida Mareykanka.

Inkasta oo xiriiro amni iyo ganacsi oo qarsoodi ah oo sii kordhaya ay u dhaxeeyaan, haddana Sacuudi Carabiya ma aqoonsana Israel, kumana biireen heshiiska Abrahams Accord ee 2020-kii uu ka shaqeeyey Mareykanka, kaasi oo dalal Carbeed ay xiriir kula aas-aasteen dalka Yahuudda.

Muuqaalka uu iska soo duubay oo gaarayey 10 daqiiqo, Tamary wuxuu ku muujiyey inuu tegay Buurta Carafo, oo ah halka Muslimiinta xajineysa isugu tagaan maalinta sagaalaadka.

Waxa uu si cad u sheegay inuu ogyahay in waxa uu sameynayey ay ahaayeen sharci-darro balse wuxuu yiri “Waxaan doonayaa inaan muujiyo meel aad muhiim ugu ah wiilashada iyo gabdhaha walaalaheen Muslimiinta ah.”

Qiilka uu sameeyey Tamary iyo cudurdaar ku xigay, ayaan waxba ka beddelin carada arrintan ka dhalatay ee ka taagan baraha bulshada Sacuudiga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *