Sacuudiga oo weli Dacwad ka ah Canada & Qatar! – VIDEO

Published: September 28, 2018

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sacuudiga Adel al-Jubeir oo hogaaminaya wafdiga Boqortoyadaasi ku metalaya shirweynaha Qaramada Midoobay, ayaa khudbad uu kasoo jeediyey xarunta [The Council on Foreign Relations] ee magaalada New York ayaa ka hadlay xiisada weli ka dhextaagan dhinacooda iyo dalalka Qatar & Canada.

Wasiirka Sacuudiga ayaa sheegay inay weli “Raali-gelin” ka sugayaan dowlada Canada oo ay horaantii sanadkan xiisadi ka dhex aloosantay kadib markii Dowlada Canada ay ugu baaqday xukuumada Riyadh inay siideyso in badan oo kamid ah Dumarka u dooda xaquuqda haweenka Sacuudiga ee hada ku jira xabsiyada Boqortooyada Sacuudiga.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in aan weli xal laga gaarin khilaafka khaliijka iyo xurgufta u dhaxeysa iyaga iyo Qatar, isagoo sheegay inaan arrintan wax xal ah loo heli doonin illaa inta Qatar ay wax ka bedaleyso siyaasadeeda, isagoona sheegay in Sacuudiga uu dulqaad badan yahay oo ay sugi karaan arrintan 20 illaa 50 sano hadii loo baahdo, waa siduu hadalka u dhigayee.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *