Sacuudiga oo weli wada ololaha ka dhanka ah Iran

Published: November 12, 2020

Boqor Salmaanka Sacuudiga oo khudbad kasoo jeediyey furitaanka Golaha Shuurada ee dalkaasi ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay wax ka qabato kaalinta IRAN ay ku leedahay siduu sheegay; dhiirigelinta argagaxisada iyo xiisadaha ka jira Barigga Dhexe.

Salmaan ayaa sheegay in Beesha Caalamka laga doonayo inay si adag uga hortagto qorshaha Iran ku doonayso inay ku sameysato hubka halista ah (Nukliyeerka) iyo horumarinta gantaaladooda ridada-dheer.

Wuxuu sidoo kale Boqorka Sacuudiga ayaa cambaareeyey weerarada ay weli wadaan kooxda Xuuthiyiinta Yemen oo diyaarado drone ah oo sida bambaanooyin ku weeraray dalka Sacuudiga, sida uu shalay sheegay afhayeenka ciidamada Sacuudiga.

Arbacadii shalay ayuu magaalada Riyadh booqasho ku tagay Wakiilka Xukuumada Trump u qaabilsan Iran, Elliot Abrams.

Wakiilka Maraykanka ayaa kulan la qaatay Wasiir kuxigeenka Difaaca ee Sacuudiga Khalid Bin Salman iyagoo ka wadahadlay arrimaha Iran.

Xukuumada Trump ayaa la rumeysan yahay inay qaado  tilaabooyin ka dhan ah Iran kahor inta aysan xukuumada cusub ee Maraykanka xilka la wareegin.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *