Safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho oo loo qabtey 72 saac dalka uga baxo

Published: April 4, 2024
Safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho Mudane Muqtaar Maxamed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay la xiriirtey safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho kuna wargelisey go’aanka ka soo baxay Golaha Wasiirada

Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu yiri.

“Go’aankan ayaa daba socda go’aankii kasoo baxay Golaha Wasiirada ee looga jawaabayay tallaabooyinka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya, kuwaas oo xad-gudub ku ah madax-bannaanida iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabooyina la qaadey ay ka mid yihiin:

  1. Safiirka Dowladda Federaalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Muqtaar Maxamed Waare ayaa lagu wargeliyay in 72-saac gudahood uu uga ambabaxo Soomaaliya.
  2. In muddo toddoba (7) maalmood gudahood ah lagu xidho Qunsuliyadaha Itoobiya ee Hargeysa iyo Garoowe.
  3. Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa in dib loogu yeero Muqdisho si uu wadatashiyo dhameystiran u yeesho

Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtey in ay muhim tahay in tallaabooyinkaas la qaado

“Tallaabooyinkaas waxaa loo qaaday danta ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”

Ugu danbeyntii ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka:

Iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weli ku adkeysaneyso sida ay uga go’an tahay ilaalinta iyo xoojinta xiriirka nabadeed ee ay la leedahay dhammaan dalalka deriska ah, waxaa lama huraan ah in ixtiraamka madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ay aasaas u noqoto xiriirkaas.

Xiriirka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maraya heerkii ugu liitey, kadib tallaabooyin is xigxiga oo Itoobiya qaadey.

HORSEEDMEDIA