Safiirka Sweden ee Soomaaliya oo booqday Isbitaalka Martini

Published: October 6, 2021

Safiirka Dalka Sweden ee Soomaaliya, xuno ka socday wasaaradda arrimada dibadda dalka Sweden, Hay’ada SIDA iyo madax ka socotay hay’ada UNFPA ayaa maanta booqday isbitaalka Demartino Public Hospital oo lagu daaweeyo dadka uu haleelo COVID-19.

Safiirka iyo xubnaha kale ee la socday ayaa maamulka Isbitaalka ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlaha baaxadda leh ee isbitaalka ka socda iyo hanaanka dadka loogu adeego.

Wafuudda ayaa kulanka kadib indha indheen ku sameeyay qaybaha kala duwan ee isbitaalka, iyagoo booqday goobaha ay howlwadeennada caafimaadka ku shaqeynayaan.

Isbitaal Martiini ayaa ah Isbitaalka Dowladu u asteysay in lagu daaweeyo dadka uu ku dhacay xanunka COVID-19, waxa uuna ka shaqeynayay daaweynta dadka qaba xanuunkaasi tan iyo markii COVID-19 ka dilaacay dunida.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *