Safiirka Sweden oo kulan la yeeshay ururka Saxaafada Puntland (MAP)

Published: February 2, 2022

Gudoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP Maxamed Daahir Caysane ayaa Xarunta Ururka ku qaabilay Safiirka dalka Sweden u jooga Soomaaliya Per Lindgarde.

Safiirka iyo Mas’uuliyiinta MAP ayaa kawada hadlay arrimaha Xoriyada Warbaahinta, Arimaha Doorashooyinka iyo Horumarinta warbaahinta.

Dowlada Sweden waxay kamid tahay dalalka dhiirigeliya Xoriyada Warbaahinta iyo dood wadaaga bulsho, waxayna si dhaw ulla shaqeysaa hay’adaha kala duwan ee dowlada Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *