Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Oo Maxkamad La Horgeeyey

Published: June 19, 2023
Shares58

Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka ayaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir horgeysay xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo loo haysto musuqmaasuq.

Saraakiishan ka tirsan wasaaradda maaliyadda gaar ahaan waaxda canshuuraha bariga ayaa lagu soo eedeeyey xatooyo xoolo dadweyne iyo samaynta dokumentiyo dowladeed oo been abuur ah.

” Maxkamada gobolka Banaadir kadib markii ay ku qanacday caddaymaha hordhaca ah ee uu soo bandhigay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka ayey u gudbisay eedaysanayaasha xabsi ku meel gaar ah si loo soo dhamaystiro baaritaankooda” ayaa lagu yiri; war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha qaranka.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media