Sare u kaca Gaaska la shito ku yimid oo laga cabanayo

Published: January 31, 2022

Cabashada bulshada Puntland ee sare u kaca Qiimaha Gaaska, jawaabta Shirkadaha Gaaska, Maamulka iyo Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo fadhi dag dag ah ka yeeshay.

Sare u kac ballaran oo ku yimi Noocyada kala duwan ee Gaaska la shito guud ahaanba deegaannada Puntland ayaa sababay in 24 saac ee la soo dhaafay uu ka bilowday Baraha bulshada diidmo ka soo horjeeda arintaasi, kuwaasi oo ay garwadeen ka yihiin dhallinyaro kala duwani.

Qiimaha Haamaha Gaaska la shito ayaa qiimo ahaan kala duwan, tusaale ahaan Haamaha yar yar waxay ka ahaayeennl Deegaannada Puntland 25 dollar halka kuwa waawayna ay ahaayeen 42 ilaa 43 dolar, hadana waxay qiime ahaan Gaareen 50 dollar taasi oo sababtay cabasho xoogan oo ka timid bulshada qaybaheeda kala duwan.

Shirkadaha ka Ganacsada keenista iyo iibintooda ayaa sheegay in sara u kaca Gaaska la shito ay ka danbayso Maamulka oo canshuurti ku kordhiyay shirkadaha Gaaska, iyana ay bulshada ku dareen.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo ka jawaabaysa cabashada xoogan ee ka timid bulshada qaybaheeda ayaa tilmaantay in baaris ay arintaasi ku samaysay ay ku ogaatay in aysan jirin wax canshuur kordhin ah oo ay ku samaysay dowladdu gaaska la isticmaalo, taasi oo jaha wareer kale ku abuurtay bulshada.

Waxaana Baraha bulshada lagu faafiyay olahan oo loogu magac daray 50$ Maya 20$ Haa, waxaana garab socday wicitaan toos ah oo ay bulshadu kula xiriirayeen Madaxda Wasaaradaha ay sida gaarka ah u khusayso arintaani Sida Maaliyadda, Ganacsiga, Deegaanka iyo Arrimaha Gudaha, taasi oo sababtay in Wasaaradaha iyo Wasiirada qaybtood bogaadiyaan dareenka shacabka, xuseena inay jawaab dag dag bixin doonaan.

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland oo dhankiisa ka jawaabaya cabashada bulshada ee la xiriirta sare u kaca Gaaska cuntada ayaa isugu yimid fadhigoodii afaraad ee guddiga, ayna goob joog ka ahaayeen Wasiirka Xanaannada Xoolaha Puntland, Hogaanka IDC iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland kuwaasi oo ay wax ka waydiiyeen Cabashada bulshada ka imaanaysa warar Hoose ayaa iyana sheegaya in Baarlamaanku u yeereen Wasaaradaha sida gaarka ah ugu shaqada leh arintaani.

Marka laysku daro Cabashada Bulshada ee la xiriirta halkii ugu hoosaysay ee Nolashooda, Shirkadaha Gaaska oo sheegay in Canshuur kordhin lagu sameeyay iyo Maamulka Puntland oo arintaasi beeniyay waxay u muuqataa arin kaaf iyo kala dheeri ah, balse Baarlamaanka looga fadhiyo inuu arrintan xal u keeno.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *