Sarkaal lagu diley dagaal mar kale dhex marey isla ciidamada dowladda federaalka

Published: August 3, 2023

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ku dagaalameen nawaaxiga Masjidka Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ee iska horyimid dagaalkoodu muddo saacad ku dhow socday, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in 4 qof ay ku dhinteen dagaalka, halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraalka lagu dley dagaalka ayaa lagu magacaabaa Kabtan Maxamed Axmed Abshir oo ahaa taliyihii guutada 2-aad ee Cali Bin Abii Daalib oo la sheegay in uu hoggaaminayay dagaalka.

Kabtanka la dilay iyo Ciidamadii la socday oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday furinta dagaalka ka socda xuduudka kala qeybiya Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, ayaa waxay Ciidamo kale kula dagaalameen meel ku dhaw Masjidka Cali Gaduud, ka dib markii uu muran soo kala dhex galay labada dhinac.