Sayid Cali Macalin ee gubey xaaskiisa oo maxkamadda la horgeeynayo

Published: February 15, 2024
Shares12
Ninka ku eedeysan dilka xaaskiisi oo uu dab u isticmaaley

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay in maaanta Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeeyay eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii oo xaamilo ahayd, Luul Cabdicasiis Maxamed.

Warqad kasoo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa waxaa lagu sheegay in ninkan kiiskiisa degdeg loo soo afjari doono.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta Maxkamad horgeeyay eedaysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedaysan in uu xaaskiisii oo xaamilo ah nolosha ku gubay, kaas oo muddi baxsad ka ahaa hay’adaha amniga oo ku daba jiray” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale wuxuu xafiiska xeer ilaalinta ballan qaaday in la dadaji doono kiiskan, si ay cadaalad u hesho dhibane marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

“Xafiisku wuxuu bilaabi doonaan maxkamadaynta eedaysanaha, sida ugu degdegga badan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

maalintii shalay ee Arbacada ayaa eedeysanaha waxaa soo wareejisay hay’adda NISA oo ninkan kasoo qabatay gobollada dhexe, waxaana kadib loo gacan geliyay booliska, si loo maxkamadeeyo.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalin kahor ehellada marxuumadda oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen in weli ay tirsanayaan cadaalad darro, maadaama la daahiyay maxkamadeynta eedeysanaha, ayada oo weli maydka marxuumadda uu ku jiro Talaajad.