Senator Timacadde oo ku baaqey in Sool iyo Cayn dhistaan maamul u gaar ah

Published: July 23, 2023
Shares4
Siyaasi timacadde
Sen Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde)

Guddoomiye ku-xgeenka labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) ayaa sheegay in bulshada gobolada loo yaqaan SSC ay samaystaan mamaul u gaar ah oo asaagood kula tartamaan.

Sen. Timacaddeayaa yiri: “….Reer SSC waxa keliya oo ay Degaannadooda ku ilaashan karaan Asaaggoodna kula tartami karaan waa Maamul ay gaar u leeyihiin inay Samaystaan…..”

Hadalka Sen Timaacdde ayaa la aaminsan yahay in uu jawaab u yahay Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ka soo jeeda gobolka Sool isla markaana isaga xilka ka beddalay ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah waxa ay ka shaqeyneyso ay tahay mamaul loo dhiso SSC, kadibna Somaliland iyo Koonfurtu ay isugu yimaadaan waxa loo yaqaan Konfadarayshan. (Confederation)

Siyaasi Tmacadde waxa uu muddo dheer ka soo shaqeeyey siyaasadda Puntland, ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland ayaa isaga oo wasiir ah ugu yeeray in u noqdo Senator, markii ay tageen Muqdisho ayey ku kala dhaqaaqeen siyaasadda, waxaana uu ka horyimid dantii uu lahaa Madaxweyne Deni, isaga oo dhistey tiisa gaar ah kuna gaarey guusha ah in uu noqdo shir guddoonka Aqalka Sare.

Horseed Media