Senegal: Dad ku dhintay rabshado ka dhashay xariga hogaamiyaha mucaaridka

Published: August 1, 2023

Labo qof ayaa lagu dilay dalka Senegal mudaaharaadyo ka dhashay xarigga Ousmane Sonko, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Dibad-baxayaashu waxay isugu soo baxeen waddooyinka isniintii iyadoo Sonko weli xabsi ku jiro, isagoo loo heysto eedeymo ay ka mid yihiin inuu maleegayay kacdoon iyo xiriir la sheegay inuu la leeyahay kooxo “argagixiso”.

Wasiirka arrimaha gudaha Senegal Antoine Felix Abdoulaye Diome ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdu ay kala dirtay xisbiga Sonko ee Patriots of Senegal (PASTEF) ka dib markii ay hurinayeen mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay caasimadda Dakar.

Ku dhawaaqistan ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee xisbi siyaasadeed laga mamnuuco dalka ku yaala galbeedka Afrika tan iyo markii uu xornimada ka qaatay Faransiiska 1960kii.

Sonko oo 48 jir ah oo horay u ahaan jiray sarkaal canshuuraha ayaa la kulmay dhibaatooyin dhanka sharciga ah oo uu sheegay in loo farsameeyay si looga hor-istaago inuu ka qeyb galo doorashada madaxtinimada dalka 2024-ka.

Bishii Juun, Sonko waxaa lagu xukumay isagoo maqan labo sano oo xarig ah ka dib markii lagu eedeeyay inuu “faro-xumeeyey” haweeney dhallinyaro ah.

Horseed Media