Shacabka Armenia oo loo qabtay 10 maalmood inay uga baxaan dhulka Azerbaijan

Published: November 16, 2020

Kadib dhaqan gelintii heshiiskii xabad joojinta ahaa ee Armenia iyo Azerbaijan ayaa waxaa si rasmi ah u bilowday inay shacabka reer Armenia isaga guuraan deegaanada ka tirsan dhulka Azerbaijan oo ay horey u heysteen.

Heshiiska xabad joojinta ah oo ay dhex-dhexaadintiisa lahayd dowlada Ruushka ayaa qoraya in 7 degmo oo kamid ah dhulkii ay horey u heysteen Armenia lagu wareejiyo dowlada Azerbaijan.

Shacabka reer Armenia ee deegaanadaasi ka qaxaya ayaa bilaabay inay gubaan guryihii ay horey u degenaayeen oo intooda badan kamid ah hantidii laga qabsaday shacabka Azerbaijan 26 sano kahor.

Ciidamada Ruushka oo dhulkaasi gaaray ayaa sheegay in 10 maalmood uga hartay xiliga Armenia la doonayo inay shacabkooda & ciidamadooda ugala baxaan dhulkaasi.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *