Shacabka Buuhoodle oo gacanta ku dhigay gaari gurmad u wadey ciidamada Somaliland

Published: February 9, 2023
Shares2

Shacabka Degmada Buuhoodle ee gobolka Sool ayaa gacanta ku dhigay gaari nooca xamuulka qaada.

Gaarigan ayaa sida la aaminsanyahay gurmad u wada ciidamada Somaliland ee dagaalka adag kula jira shacabka Magaalada Laascaanood.

Alaabta saaran gaariga ayaa dhulka la dhigay si baaritaan gudaha ah loogu sameeyo.

Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa xilli maalintii afaraad oo xiriir ah uu dagaal culus ku dhexmarayo duleedka Laascaanood Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka.

Horseed Media