Shacabka Zimbabwe oo dooranaya Madaxweyne iyo Baarlamaan cusub

Published: August 23, 2023

Shacabka dalka Zimbabwe ayaa saaka oo Arbaca ah u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo waliba Golayaasha Deegaanka.

Madaxweyne Emmerson Mnangagwa ayaa doonaya in dib loo soo doorto markii labaad. Doorashadan ayaa sidoo kale go’aamin doonta qaabka uu u noqon doono Baarlamaanka ka kooban 350 kursi iyo ku dhawaad 2,000 oo ah jagooyinka Golayaasha Deegaanka.

Tirinta codadka ayaa bilaaban doonta isla marka ay xirmaan goobaha cod bixinta, waxaana la filayaa in natiijada Baarlamaanka ay soo baxdo subaxnimada Khamiista. Natiijada Madaxweynaha ayaa la filayaa in ay soo baxdo goor dambe, iyadoo tahay in lagu dhawaaqo natiijadaas Madaxweynaha 5 maalmood gudahood.

Si uu ugu guulaysto madaxtinimada, musharraxa Madaxweynaha waa inuu helaa in ka badan 50 boqolkiiba codadka. Haddii aan si toos ah loo helin musharax wareegan guuleysta, waxaa la qaban doonaa wareeg labaad oo u dhexeeya labada musharax ee ugu cadcad 2-da Oktoober.

Musharixiinta Baarlamaanka iyo Golaha deegaanka waxay u baahan yihiin kaliya hal dheeri codadka.

Horseed Media