Shan sano oo ka soo wareegatay Qaraxii weynaa ee Zoobe (14-ka Octoobar)

Published: October 14, 2022

Maanta oo kale 14-ka Octoobar sanadkii 2017-kii waxaa isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacay qarax aad u xoogan oo noqday kii ugu dhimashada badnaa weeraradii iyo qaraxyadii ka dhacay guud ahaan Soomaaliya.

Gaari nooca xamuulka oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa galabnimo Sabti ahi waxa uu si lama fillaan ahayd ugu qarxay Isgoyska Zoobe, xilli mashquul badani uu ka jiray, laamaha amniga ayaana xilligaasi sheegay inay ku daba jooggeen gaarigaasi.

Shan sano ayaa haatan ka soo wareegatay weerarkaasi oo aan weli ka bixin xasuusta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehellada ay dadkooda ku dhinteen.

Dhimashada ka dhalatay qaraxaas ayaa kor u dhaaftay shan boqol oo qof, halka ay ku hanti beelay ganacsato badan oo dukaamo, hoteelo, maqaayado iyo goobo kale oo ganacsi ku lahaa isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Iyadoo shan laga jooggo qaraxii Zoobe ayaa waxa uu sanadkan ku soo aadaya, xilli dowladda cusub ay wacad ku martay in muddo kooban ay ku ciribtiri doonto Ururka Al Shabaab oo lala xiriiriyey inay ka dambeeyeen weerarkaas balse aysan sheegan.

Horseed Media