Sharif Sh. Axmed: “Waan soo dhaweynayaa heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo kordhinta

Published: May 6, 2021

Madaxweynihii hore ee dowlada Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyay heshiiska hordhaca ah ee laga gaaray rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku booriyay dowladda in aan la siyaasadeyn arimaha ciidamada isagoona sigaar ah u bogaadiyay Ra’iisul wasaaraha Xilgaarsiinta.

“Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo kordhinta, anigoo codkayga ku biirinaya in ciidamada qalabka sida ee geesiyayaasha aan marna la siyaasadeyn oo ay ku laabtaan xarumahoodii”.

Waxaan kaloo bogaadinayaa dadaalada Ra’iisul Wasaaraha oo aan ka rajeyneyno in heshiis laga gaaro doorashooyinka iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 September“.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa markale ku celiyay in ay muhiim tahay heshiis laga gaaro arimaha doorashooyinka iyadoo isqancin iy tanaasul la muujinayo.

Waxaan ku celinaynaa markale in gacmaha la isku qabsado sidii looga gudbi lahaa marxaladdan adag ee kala guurka, iyadoo wax kasta lagu bixinayo dib uheshiin, isqancin iyo isku tanaasul”.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *