Shiinaha oo ka qeyb qaadanaya dib u dhiska dalka Suuriya

Published: September 23, 2023
Shares6

Shiinaha ayaa balanqaaday in uu gacan ka geysanayo dib u dhiska dalka Suuriya ee ay dagaalladu ragaadiyeen iyadoo hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping iyo madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ay ku dhawaaqeen “iskaashi istiraatiiji ah”.

Jimcihii shalay ayey labada hogaamiye shir ku yeesheen magaalada Hangzhou ee koonfurta Shiinaha.

“Marka la eego jawiga caalamka oo aan xasilloonayn, Shiinaha wuxuu diyaar u yahay inuu sii wado la shaqeynta Suuriya ee danaha iskaashiga saaxiibtinimo iyo ilaalinta cadaalada caalamiga ah,” ayuu yiri hogaamiyaha China, Xi.

Shiinaha ayaa sare u qaaday xiriirkiisa diblomaasiyadeed ee Bariga Dhexe isagoo isku dayaya inuu ballaariyo saameyntiisa caalamka isagoo loolan kula jira nidaamka caalamiga ah ee uu hoggaamiyo Mareykanka oo horey cunaqabateyn usaaray Siiriya.

Horseed Media