Shiinaha oo xabad-joojin ugu baaqay Israel iyagoo ergaygooda Bariga Dhexe u diray gobalka

Published: October 17, 2023

Ergeyga gaarka ah ee Shiinaha u jooga bariga dhexe Zhai Jun ayaa booqan doona gobolka, iyadoo uu socdo dadaalka xalka loogu raadinayo dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Falastiin.

Sida ay sheegtay warbaahinta dawladda ee CGTN, Jun waxa uu sheegay in uu horumarin doono wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin inta uu ku guda jiro safarkiisa.

Shiinaha ayaa kamid ah dalalka diiday inay si gaar ah u cambaareeyaan ururka Xamaas iyagoo ku cel celiyey in loo baahan yahay in gargaar la gaarsiiyo shacabka ku dhibaateysan Gaza.

Horseed Media