Shir Ay Puntland Ka Maqan Tahay Oo Muqdisho Ka Furmay

Published: August 13, 2023

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka furmay shir ay isugu yimaadeen Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah iyo weliba Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkaan oo soconaaya laba maalmood ayaa looga hadli doonaa xeerka mideynta Cashuuraha, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Mudane Biixi Imaan Cige oo a la jiraan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo Janaqoow iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar Xaange ayaa si rasmi ah u furay shirka, Biixi oo hadal kooban ka jeediyay furitaankii shirka ayaa sheegay in uu muhiim u yahay shirkaan arrimaha mudnaanta u leh dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynta hannaanka canshuuraha, dhammaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta.

Xogta shirka ayaa sheegaysa in looga hadli doono mashaariicda horumarineed ee deeq-bixiyaasha ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha kale ee Maaliyadeed.

Shirka waxaa ka maqan Dowaldda Puntland oo muhim u ah arrimaha geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, waxaana ay ku maqan tahay khilaafka aan weli xal laga gaarin ee u dhexeeya Dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho iyo Puntland.

Horseed Media