Shir ku saabsan horumarinta biyaha oo Garoowe ka furmay

Published: November 8, 2021

Shir kusaabsan dib-u-eegista Mashruuca loogu magac daray Biyoole, kaasoo sanad iyo bar ah ka socday Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, ayadoo ay ka qeybgaleen Masuuliyiinta Wasaaradaha Qorsheynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Mashruuca Biyoole oo looga golleeyahay horumarinta biyaha, adkaynta hay’adaha Dowladda iyo ujeeddooyin kale oo lagu kaabayo adeegga beeraha ayaa lagu wadaa in uu soo dhammaado Janaayo, 2023, Shirka Garoowe ayaa diiradda lagu saari doonaa wixii ka qabsoomay mashruuca iyo dar-dargelinta hawlaha dhimman.

Mashruucan ayaa qayb ka ah fulinta ahmiyadaha ku cad “Hannaanka ka-kabsashada iyo u adkaysiga abaaraha (RRF)” kaas oo ay Dowladdu dejisay sanadkii 2018.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Puntland, Cabdikhafar Xaange oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa bogaadiyey habsami u socda mashruuca iyo guulaha laga gaaray, sida dhismaha biyo qabatinno dhowr ah, dhismaha xarumo Wasaaradeed iyo isku xirka Hay’adaha Dowladda labada heer.

Kulankaan oo socon doona 4 cisho ayaa laga soo saari doonaa warmurtiyeed ku qotonta qodobada ka soo baxay shirka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *