Shir looga hadlayo la dagaalanka fekerka xagjirka oo ka furmay Muqdisho

Published: April 18, 2024

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay shirka saddex biloodlaha ah ee Madasha isku xirka hawlaha ka hortagga iyo la dagaallanka afkaarta xagjirka ah ee rabshadaha wadata, kaas oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Qaran ee Tubsan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa madasha ka sheegay sida ay muhiimka u tahay in la wiiqo afkaarta ku dhisan argagixisonida ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku marin habaabiyaan kooxaha Khawaarijta ah.

Mudane Saalax ayaa intaas ku daray in Xukuumadda Danqaran ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu wiiqay awooddii Khawaarijta ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka, taas oo keentay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen ay dib uga soo laabanayaan afkaartii ay argagixisadu ku shubeen.