Shir weynaha Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka furmaya Magaalada Muqdisho

Published: May 20, 2023
Shares72

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee xafladda furitaanka Shir weynaha Dhallinyarada Qaranka ayaa ka socota Magaalada Muqdisho.

Shir weynahan waxaa ka qeyb galaya dhallinyaro ka kala timid gobollada dalka oo dhan iyo dibadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in uu daah-furo Shir weynaha dhallinyarada Qaranka.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa caqabadaha heysata dhalinyarada Soomaaliya oo doorka ay ku leeyihiin horumimta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.

Horseed Media